Sign in to follow this  
Deeq A.

Karaash oo dhagax-dhigay xarunta hay’adda Garsoorka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka Puntland.

Munaasabadda dhaggax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer ilaaliyaha Guud ee DFS, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan labada aqalka ee Baarlamaanka DFS, Agaaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka tirsan hay’addaha Garsoorka Puntland, taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in Puntland ay ka go’an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku haboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulintiisaleh Dowladda Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahadceliyey cidkasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay’adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

126886640_1057916357955217_170826429420294807_o 126723378_1057916334621886_1746562638235879702_o 126834513_1057914494622070_6658911289816442280_o 126840606_1057916381288548_716120343568447867_o 126844101_1057914301288756_8083636083515305158_o 126848035_1057914547955398_4640514273622308918_o 126851877_1057914394622080_1156425150641244996_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this