Deeq A. Posted November 21, 2020 Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobollada Waqooyi ee dalka. Guddigan oo ka kooban illaa sideed xubnood ayaa sida guddoomiyuhu sheegay ka shaqeyn doono doorashada xildhibaanada Somaliland ku metalaya dowladda federaalka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in xubnahaasi uu ku daro guddiyada doorashooyinka dalka. Arrintan ayaa uga sii dari karta khilaafka culus ee haatan ka taagan doorashada, gaar ahaan guddiyada maamulaya doorashooyinka 2020/2021-ka. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites