Sign in to follow this  
Deeq A.

Ardey Soomaali Ah Oo Ku Go’doonsan Gobolka Tigreyga Ee Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mekelle)-In ka badan 50 Ardey Soomaali ah ayaa lagu warramayaa inay ku go’doonsan yihiin gobolka Ismaamulka Tigreyga gaar ahaan magaalada Mekelle halkaasoo ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhada

Ardeydan ayaan wax war ah laga helin tan iyo markii ay halkaa ka qarxeen dagaallada, madaama la jaray ama la gooyay isgaadhsiintii gobolka.

Qaar ka mid ah ehelada Ardeydan ayaa sheegay in ay warwar gaar ah ka qabaan xaaladooda nabadgalyo madaama aysan wax xidhiidh ah la laheyn.

Ardeydan ayaa qaarkood waxa ay deeq waxbarasho ku dhiganayeen Jaamacada Mekele ee caasimada gobolka Tigraay.

Mareykanka ayaa dhawaan ka codsaday dowladda Itoobiya in dib loo soo celiyo isgaadhsiinta gobolka si xidhiidh loola sameeyo dadka ajaanibta ee ku dhibaateysan gobolka ay dagaalladu ka socdaan gaar ahaan muwaadiniinta Mareykanka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this