Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweyne Muqdisho uga furmay musharraxiinta madaxweynaha + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka furmay shirweyne u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka.

Shirkan oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha xisbiga Ileys, Cabduqaadir Cosoble Cali, hogggaamiyaha xisbiga Dan-Qaran Daahir Maxamuud Geelle, Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, madaxweynayaashii hore ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Furitaanka shirka ayaa waxaa marka hore loo ogolaaday inay sawirro iyo muqaallo duubtaan wariyeyaasha, kadibna banaanka ayaa loo saaray, iyada oo shirku yahay mid uu albaabada u xiran yahay

Sidoo kale waxaa intiisa badan diirada lagu saarayaa doorashada iyo marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale ka wada-hadlaya dooda ka taagan guddiyada doorashada & sidii xal looga gaaray, maadaama ay tabasho ka keeneen

Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota.

Soomaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana jira khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

126891901_3534709083289986_1629833223703 126613887_3534709393289955_5808361087068 126618035_3534709179956643_1964584789364 126783394_3534709723289922_8051969752909 126793989_3534709503289944_5965243156490Sh.png k.png 126856821_3534709896623238_1286894294500

The post Shirweyne Muqdisho uga furmay musharraxiinta madaxweynaha + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this