Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Maxay ka wada-hadleen Shariif Xasan & guddoomiye Mursal?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan la qaatay guddoomiyaha BF Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiye Mursal, islamarkaana qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimada ay leedahay in si wadajir looga wada-shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa marxalada kala guurka ee uu haatan ku jiro dalka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee haatan kulamada ka wada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this