Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo xoojisay la dagaalanka cayayaanka Ayaxa ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in ay sare u qaaday howl-gallada lagula dagaalamayo cayayaanka Ayaxa oo ku habsaday qaybo ka mid ah dalka.

FOA ayaa xustay in Ayax aad u fara badan oo ku sugan Soomaaliya uu dhaqaaqay qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya oo suuragal tahay inuu ka tago dhibaatooyin xoogan.

Wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay weerar cir iyo dhul ah lagu haya Ayaxa, islamarkaana ay socdaan dadaallo xoogan oo lagu cirib tirayo.

“Diyaarado, gaadiid iyo qalab kale oo lagu dagaalamayo Ayaxa, gaar ahaan midka soo korayo ayaa ka socda wadanka” siyaasidaas waxaa yiri wakiilka hay’adda FOA.

QM ayaa sheegtay in meelaha Ayaxa uu sida weyn u saameeyay in ay ka mid yihiin goballada Sool, Nugaal, Mudug iyo inta badan deegaanada maamulka Galmudug

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this