Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo guddi u magacaabay xalinta colaada ka aloosan Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha koonfur afrika Cyril Ramaphosa, oo haatan ah hoggaamiyaha ururka midowga afrika, ayaa 3 xubnood u magacaabay in ay wada hadal ay ku dhameeyaan dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Ellen Johnson-Sirleaf, madaxweyne ka soo noqotay Liberia,Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe,    Madaxweynahii hore ee South Africa.

Shaqda ugu horeysa ee guddigaas, ayaa ah in dhamaan dhinacyada is-haya ay qeyb ka noqdaan aragtida dhameynta Khilaafka lana abuuro jawi wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhamaan arrimaha keenay isku dhaca, iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida  Itoobiya.

Arintan ayaa timi kadib markii madaxweynaha itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ay booqatay koonfur afrika, halkaasi oo ay wada hadal kula yeelatay madaxweyne Cyril Ramaphosa

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika oo guddi u magacaabay xalinta colaada ka aloosan Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this