Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan Ururka ONLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo wareysigiisii ugu horreeyey siiyey Shabelle TV ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Ururka ONLF oo argagixiso ay u aqoonsatay xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Khayre.

Rooble ayaa marka hore caddeeyey mowqifkiisa ku aadan ONLF, wuxuuna shaaciyey inuu aaminsan yahay in ururkaasi uusan aheyn mid argagixiso.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu taageersan yahay go’aankii baarlamaanka ka soo saaray ONLF.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey dowladda Soomaaliya loogu dhaliilay dhiibistii Qalbi-Dhagax oo loo gacan geliyey dowladda toobiya, balse markii dambe dib u helay xorriyaddiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this