Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska oo Amarro Cusub Ku Soo Rogay Muslimiinta Ku Nool

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Muslimka ee waddankiisa in ay aqbalaan ‘Axdiga qiyamka jamhuuriyadda, waxaana Arbacadii  uu Golaha Muslimiinta Faransiiska (CFCM) u qabtay 15 maalmood in ay ku aqbalaan axdigaas.

Golaha CFCM ayaa oggolaaday, in uu sameeyo guddi qaran oo ay leeyihiin imaamyada Faransiiska, kaas oo sida la sheegay aqoonsi siin doona imaamyada, isla markaana kala laaban kara.

Macron ayaa si weyn u difaacay nidaamka calmaaniyadda ee uu Faransiiska ku dhisan yahay, isago taageero buuxda u muujiyay macallin qoorta looga jaray sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH oo u soo bandhigay ardaydiisa.

PUNTLAND POST

The post Faransiiska oo Amarro Cusub Ku Soo Rogay Muslimiinta Ku Nool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this