Sign in to follow this  
Deeq A.

Eritrea oo Afka Furatey kana hadashay Dagaalka & Xaalada Tigray+Eedayn ay Tunka u saartay Hogaanka…..

Recommended Posts

Deeq A.   

Eritrea oo Afka Furatey kana hadashay Dagaalka & Xaalada Tigray

የኤርትራ ባንዲራ

ES

Dowladda Eritrea oo in muddo ah ka aamusneyd xaaladda dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay, maalmo kaddib markii ay xoogagga gobolka Tigray gantaallo ku garaaceen magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Asmara, Mane Gebre-Meskel, ayaa baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka, kusoo afjaray aamusnaantii dowladdiisa.

Xisbiga TPLF ee maamula gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ayuu ku eedeeyay inay wadaan wa uu ugu yeedhay “ficillo sheydaan”.

Mr Gebre-Meskel ayaa canaan dusha uga tuuray hoggaanka Tigray-ga xilli uu isbuucii saddexaad galay dagaalka culus ee u dhaxeeya xoogagga gobolkaas iyo ciidamada dowladda federaalka Itoobiya.

 

Dabayaaqadii Isbuuca ayaa lasoo tabiyay in gantaallo laga tuuray gobolka Tigray lala beegsaday magaalada Asmara
Dabayaaqadii Isbuuca ayaa lasoo tabiyay in gantaallo laga tuuray gobolka Tigray lala beegsaday magaalada Asmara

Hadalka kooban ee uu wasiirka Warfaafinta Eritrea soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu intaas kusii raaciyay: “Muhiim ma aha inaan xoojinno soo afjaridda aan la saadaalin karin ee xisbiga TPLF”.

Qoraalka, Mane Gebre-Meskel kuma uusan soo hadal qaadin arrinta ku saabsan gantaalladii ay ciidamada Tigray-ga ku rideen magaalada Asmara.

In kastoo Gebre-Meskel uu caan ku ahaa hadallo isdaba joog ah iyo farriimo uu kasoo diri jiray arrimaha la xiriira qaranka Eritrea iyo kuwa gobolka ee khuseeya waddankiisa, haddana waa markii ugu horreysay ee uu mowduucaas taabto tan iyo markii ay colaaddu billaabatay.

Magaca Eritrea ayaa mar walba ku jiray sheekooyinka la xiriira dagaalka ka socda gobolka Tigray, balse dowladda uu madaxweynaha ka yahay Isaias Afweki waxay go;aansatay inay ka gaabsato.

Tan iyo markii uu dagaalka qarxay, hoggaamiyeyaasha Tigray-ga ayaa dowladda Eritrea ku eedeynayay inay gacan siineyso ciidamada federaalka ee ay colaadda kala dhaxeyso iyaga.

Dagaalka ayaa waxay labada dhinac isu adeegsadeen hubka culus
Dagaalka ayaa waxay labada dhinac isu adeegsadeen hubka culus

Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa TPLF ee gobolka Tigray ayaa labaduba guulo ka sheeganayaan dagaalka uu dhiigga badan ku daatay.

Tobannaan kun oo ruux ayaa ku barakacay dagaalka, inta badan qaxootigaasina waxay ku qulqulayaan dhinaca waddanka dariska la ah ee Suudaan.

Dowladda Addis Ababa iyo madaxda TPLF ayaa midba midka kale ku eedeynaya inu colaada billaabay.

Taliska booliska Federaalka waddanka Itoobiya ayaa soo saaray amar sharciyeed oo lagu soo xirayo 76 sarkaal oo ka tirsan milateriga, kuwaas oo loo haysto khiyaano qaran.

Saraakiishan oo darajooyin kala duwan leh ayaa u badan qowmiyadda Tigray, waxaana ka mid ah Jen Gabre oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka dalbaday madaxda Tigray inay isasoo dhiibaan, hubkoodana dowladda dhexe ku wareejiyaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this