Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Ciise Cawad oo xilkii laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaweyd xilkii ka qaaday Wasiirkii Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamed oo la-taliye u ahaa madaxweyne Farmaajo, sidoo kale ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha ee doorashadii 2017.

FB_IMG_16058090245529131.jpg?resize=400%Wasiirka cusub, Maxamed Cabdirisaaq

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad u magacaabay safiir aan weli la ogayn dalka uu u fadhin doono Soomaaliya.

Xilka qaadista Wasiir Cawad ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ay barteeda Twitter-ka ka saartay war ku saabsan colaadda ka aloosan gudaha Itoobiya, kaas oo ay ku caddaysay mowqifkeeda xiisadda Itoobiya.

Qoraalkaas ayaa Xukuumadda Soomaaliya taageero ugu muujisay midnimada dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana ay ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo colaadda ka taagan gobolka Tigreega.

Ha yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa qoraal uu goor dambe soo saaray ku sheegay, in uusan jirin war rasmiya oo dowladda Soomaaliya uga hadashay colaadda Itoobiya.

Wasiir Cawad, ayaa sheegay in qoraalka ku saabsan xiisadda Itoobiya uusan ahayn mid ka turjumaya mowqifka dowladda Soomaaliya, sidaas darteedna uusan sax ahayn.

PUNTLAND POST

The post Axmed Ciise Cawad oo xilkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this