Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Guud Ee Millatariga Itoobiya Oo Ku Eedeeyey Agaasimaha Hay’adda WHO Inuu Taageerayo Ciidamada Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Taliyaha Ciidamada Milatariga dalka Ethiopia General Berhanu Jula ayaa ku eedeeyey Madaxa hay’adda Caafimmaadka Aduunka ee (WHO) Tedros Adhanom inuu ka shaqaynayo taageerada Ciidamada Tigrayga ee dagaalka kula jira dawladda federalka ah.

Generalka Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa intaasi ku daray in Mr Adhanom uu isku dayayo inuu hubeeyo Tigrayga, isl amarkaana uu ka taageerayo dhinaca Diblomaasiyada.

“Ninkani waxa uu xubin ka yahay kooxdaasi, waxaanu u fidinayaa wax kasta oo taageero ah,” ayuu Taliyaha Ciidamada Ethiopia General Berhanu Jula, oo maanta la hadlay warbaahinta.

Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “Waxa uu ka shaqaynayaa sidii dalalka Jaarka ahi ay u cambaarayn lahaayeen dagaalka. Waxa uu ku hawlan yahay sidii ay u heli lahaayeen hub,” ayuu yidhi General Berhanu, Taliyaha Milatariga dalka Ethiopia.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa ka soo jeeda dalka Ethiopia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this