Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weeraro culus ku qaaday saldhigyo ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weeraro kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay ay ku qaaday ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in barqanimadii maanta weerar ku billowday qarax miino ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya, xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Qansaxdheere oo ka tirsan gobolka Baay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxaas ay ku dishay ugu yaraan 2 askari, sidoo kalena ay ku burburisay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidamadaasi.

Dhinaca kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerar kale oo ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Sarkaalkaas ayaa waxaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ay ku qaaday saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin halkaasi, sida ay Al-Shabaab ku baahisay Internet-ka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM, gaar ahaan talisyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya oo ku aadan weeraradaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this