Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Howlgeliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo howl-geliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

unnamed-3-1024x683.jpg

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal lagu soo xulay aqoontooda iyo in dalka ay u horseedi karaan doorasho daah-furan oo cadaalad ku saleysan, kana tarjumeysa horumarka dalka iyo sii amba qaadidda dowladnimadeenna, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30%.

unnamed-7-1024x683.jpg

“ Waxaa la idinka soo xushay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si aad u hoggaamisaan doorashooyinka oo la idinku aaminay masuuliyadaas, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad si caddaalad iyo hufnaan leh u hoggaamisaan, idinkoo ilaalinaya qoondada haweenka ee 30%.”

unnamed-9-1024x683.jpg

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku bixinayso hirgelinta doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda, kuna saleysan Heshiisyadii Doorashooyinka ee Muqdisho iyo Samareeb ay ku kala saxiixdeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

unnamed-4-1024x671.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo kula dardaarmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal in ay cadaalad iyo daacadnimo ku hirgeliyaan doorashooyinka 2021 ayaa Alle uga rajeeyey in uu ku guuleeyo howshan Qaran ee loo xilsaaray.

unnamed-8-1024x683.jpg

Daawo Raysal Wasaare Rooble Oo La Hadlay Warbaahinta

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this