Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaaradda Mareykanka oo war soo saartay kadib doorashadii Guudlaawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey xiriir talefoon oo dhex maray Madaxweynaha cusub ee maamulka HirSahbeelle Cali Guudlaawe iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Doland Yamamoto.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada-hadleen dhinacyo badan oo ay ugu weyntahay doorashada soo socota ee heer federaal.

“Lahadlay maanta madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana laga wadahadlay mudnaanta koowaad ee dib u heshiisiinta, amniga, iyo doorashooyinka soo socda ee federaalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa intaas ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa inaan wada shaqeyno sanadaha soo socda Soomaaliya.”

Spoke today with newly elected #Hirshabelle President @GudlaweHussein and discussed key priorities: reconciliation, security, and upcoming federal elections. Looking forward to working together in the years to come. #Somalia

— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) November 18, 2020

Dhawaan madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa Jowhar ka sheegay in doorashadii ka dhacday halkaas ee uu ku soo baxay aysan ka qeyb qaadan beesha caalamka, isagoo ku eedeeyey inay lumisay doorkii ay ku laheyd.

Hasa yeeshee Madaxweyne Guudlaawe ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay la shaqeyso maamulka cusub ee HirShabeelle ee uu hoggaamiyaha ka yahay.

The post Safaaradda Mareykanka oo war soo saartay kadib doorashadii Guudlaawe first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this