Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlay Doorka Ganacsatada ee Horumarinta dhaqaalaha oo lagu qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkaan lagu qabtay qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku saabsan doorka Ganacsatada ee ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka, kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha, bixinta canshuuraha iyo dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Kulanka ayaa aad loogu fallanqeeyay kaalinta ay ganacsatadu ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha iyo canshuur bixinta iyo sidii loo horumarin lahaa wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganagsiga.

Munaasabadda looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdullahi Sheek Cali Qalocow, Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulkaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo qeybaha kale duwan ee ganacsatada iyo bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyey ganacsatada Soomaaliyeed oo kaalinta ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha iyo doorka ay ku leeyihiin in dalka uu heerkaan soo gaaro maanta, isagoo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB).

” Isku imaatinkaan ama shirkaan muhiimada uu leeyahay waxa waaye u mahadcelin in aan u mahadcelino ganacsatada Soomaaliyeed oo runtii dalkaan halka uu maanta tagan yahay soo gaarsiiyay, iyo in aan iswareysano oo wixii su’aalo oo shacabku qabo uga jawaabno. waxaan aad ugu mahacelinyaa African Development Bank (Bangiga Horumarinta Afrika) oo arrimahaan naga saacida ama naga taageeraa. In la isku yimaado, la wadahadalo, wax la is weydiiyo, wax la isla garto aasaaska horumarka weeyaan”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay muhiim in laga faa’iidaysto Kheyraadka ku jira dalkeenna, sida shidaalka, Gaaska iyo macdanta.

” Waddanka Soomaaliya haddii uu Yurub ku oolilahaa waxaa uu noqon lahaa dalka ugu wayn ee Ruushka xigga ayuu noqon lahaa. Xeebaha ugu dhaadheer Africa ayaa Alle na siiyay. 333 oo KM oo bad ah ayaan leenahay oo lays isku raacsan yahay in Kheyraadkeedu kan ugu badan yahay adduunyada marka la eego bad nuucaas ah”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullahi Sheek Cali Qalocow ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin wax soo saarka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiir dowlaha wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa isna boogadiyey  doorka ganacsatada ee dhaqaalaha dalka.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijyada Wasaaradda Maaliyadda ee la falgalida ganacsatad iyo qeybaha kale duwan ee bulshada oo gacan ka geesanyey Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB), si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo wacyigellinta wax soo saarka dakhliga dalka iyo bixinta canshuuraha.

1a89983d-517c-48d2-90ab-302253363a25 1cee0a84-6af3-44c4-ac2d-900f27d4585f 3b7f172d-50ed-4a5d-88ae-8c6cdbdc054c 8d983e1b-084b-4418-80e1-bd7e47a12709 339ff738-42ea-4910-873d-67f21c655f87 09112234-c559-43ad-a391-110928198e49ab76a50f-1979-4243-b901-682e1def3fa4a35352e5-4ecb-437a-be94-1cf13f5377bd

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this