Sign in to follow this  
Deeq A.

Milaterga Dawlada Itoobiya & Ciidamada Kililka Amxaarada oo Kulaalaya Afaafka caasimada Gobolka Tigray ee Mekelle+Buundooyin la jaray & Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Itoobiya oo ‘ku dhaw’ caasimadda Tigray

amharic.jpg
Ciidamada Amxaarada oo dowladda ka garabsiinayo howlgalka lagu qaaday Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay guulo militeri ka gaareen waqooyiga Tigray halka ciidamada ay ku dhaw yihiin caasimadda Mekelle.

Dagaalyahanada Tigray ayaa wadaa dagaal ay ku difaacaan magaalada Alamata oo dhawaan dowladda sheegtay inay la wareegtay.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaana magaalooyin iyo deegaano dhowr ah kala wareegay xoogaga Tigrey, waxaana ciidamada federaalka la sheegay in hada ku sii dhawaanayaan magaalada Makelle ee caasimada u ah maamulka Tigrey.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo kuwa taabacsan maamulka Tigrey ayaana sii xoogeesanaya maalinba maalinta ka dambeysa, ciidamada ayaana duqeymo xoogan ku wada xarumo ciidan iyo goobo kale oo muhiim u ah maamulka Tigrey.

Dhinaca kale Xoogaga taabacsan Tigrey ayaana doonaya in ay difaacdaan magaalada Makelle ee xarunta u ah maamulka Tigrey, waxa ayna ciidamada jareen buundooyin magaalada loo soo maro iyo magaalooyin kale si ay u adkeeyaan in ciidamada federaalka soo galaan.

Dadka ka qaxaya gobolkan ayaa weli kusii qulqulaya Suudaan, dad badan ayaa isaga qaxay Tigray in ka yar labo toddobaad markii ay dagaallada halkaas ka qarxeen.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in “xaalad bina’aadanimo oo ballaaran” ay ku soo fool leedahay.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shaley sheegay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay.

Dhanka kale madaxweynaha gobolka Tigray ayaa madaxda caalamka iyo kuwa Afrikaba ugu baaqay inay cambaareeyaan dagaalka uu ku eedeeyay inay soo qaadday dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku eedeeyay xoggaga Tigray inay xasuuq ka geysteen gobolka halka eedeymahaas ay beeniyeenTPLF.

Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay sheegeen in koox gaar ah u dirayaan gobolka si ay usoo baaraan dilalka ka dhacay halkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this