Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo Ciidamada Mareykanka Kala baxaya Soomaaliya, Soona Afjaraya ladagaalanka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump  ayaa go’aansaday in la baxo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo xarun ku lahaa muddo dheer deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeellada hoose.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu madaxweyne Donald Trump   ciidamo uga saarayo sidoo kale dalaka Afghanistan iyo Ciraaq.

War kasoo baxay talaadadii Pentagon-ka ayaa lagu sheegay Trump uu ciidamada u jooga  Afghanistan oo hadda ah 4,500 ka dhigi doono  2,500 bisha Jan 15-keeda, yacni shan maalin ka hor inta aanu xilka wareejin, waxaa kale oo Ciraaq ka saari doonaa 500 isla waqtigaas.

Dhanka kale, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo lagu sheegay tiro ahaan 700, u joogana la dagaalanka Al-shabaab ayuu la bixi doonaa isaga oo soo afjaraya dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Wasiirka gashaandhigga ee Mareykanka  Christopher Miller ayaa il gaar ah ku haya ciidamada jooga Soomaaliya, iyada oo la yaabo inuu inta badan saaro, soona afjaro la dagaalanka Al-shabaab.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this