Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo caawineysa qoysaski uu saameeyey Ayaxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal ku jooga Puntland, ayaa booqday deegaannada uu saameynta ka geystay Ayaxa ee gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa sidoo kale tagey goobo ay ka socotay diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa, kuwaaso taageerro ka helaya Dawladda.

“Waxaan u nimid halkan si aan u oggaano sida ay ku socoto diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee beeralayda ah,kuwaaso qeyb ka ah Qoysas ay Dawladdu taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siin doonto” ayuu yiri Wasiir Duraan oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Jibagale ee hoos taga degmada Garoowe.

Duraan Axmed Faarax, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inay Dawladda ka go’antahay sidii dhaqso looga jawaabi lahaa xaaladaha deg degga ah oo uu ka mid yahay Ayaxa saameeyay beeralay badan.

Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee ku nool in ka badan 40 degmo oo dalka oo dhan ah, ayaa lacag caddaan ah muddo lix bil ah ka heli doono mashruuca ka jawaabaya saameynta Ayaxa ee Baxnaano oo qeyb ka ah siyaasadda ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“ Mashruucan waxaan u daba galeyna si uu guul ugu dhammaan lahaa xilliga loogu talagalay,cidda ku habboona ay uga faa’iideysan lahayd, waa arrin suragalinaysa taageerro ballaaran inay helaan dadkeenna nugul iyo kuwa xaaladaha deg degga ay soo food-saaraan” ayuu ku daray.

Booqashadan waxaa wasiirka ku helisay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Hodan Siciid ,madaxa Barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kale.

125532814_3580345348655522_2198788478120Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

126161296_3580342838655773_538096521505888406_o 125532814_3580345348655522_2198788478120793242_o 125767037_3580343695322354_6718554647190569290_o 125930291_3580340355322688_9036407015923666322_o 125944771_3580342401989150_3302003294050372025_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this