Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo xayiraad cusub saaray saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Donald Trump ayaa cuna qabateyn hor leh ku soo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyey bariga Afrika.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraad saartay Cabdullahi Cismaan Maxamed iyo Maalin Ayman oo ah labo sarkaal oo sar-sare.

Waxa ay sheegtay in labadaasi shaqsi gebi ahaanba laga mamnuucay howlihii ganacsi ee ay ku lahaayeen dalka Mareykanka.

Warka ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Maxamed oo khabiir ku ah sameynta walxaha qarxa uu la taliye gaar ah u yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-Shabaab, islamarkaana uu yahay madaxa warbaahinta ee garabka Al Kataa’ib.

Sidoo kale ayaa waxaa Ayman ay ku sheegtay inuuu yahay hoggaamiyaha garabka Jaysh Ayman ee Al-Shabaab oo inta badan fuliya weerarada ka dhaca Soomaaliya & Kenya.

Al-Shabaab ayaa weeraro khasaarooyin badan gaystay ka fuliyey gudaha wadanka Kenya oo uu ka mid ahaa kii sanadkii 2013 lagu qaaday suuqa West gate Mall ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this