Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuleed oo weeraray mucaaradka ka soo horjeeda DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb-galay munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka 2020/2021, musuq-maasuqa iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Ugu horreyn Mahdi Guuleed ayaa ku dheeraaday ka hadalka arrimaha doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo dhammaadka sanadkan iyo kan xiga ee 2021-ka.

Khadar ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya dadaal badan uu ku bixiyey doorashada, islamarkaana uu sameeyey tanaasul fara badan oo ku aadan doorashada.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey madaxda maamul goboleedyada qaar iyo siyaasiyiinta mucaadradka inay doonayaan inay xagal-daaciyaan doorashada iyo horumarka la gaaray.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa xusay in shaqsiyaad dano gaar ah leh ay hor-boodayaan xubnaha mucaaradka, kuwaas oo ka soo horjeeda danaha dowladda dhexe.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan inta badan musharraxiinta mucaaradka ay ka soo horjeesteen hannaankii loo maray magacaabista guddiyada doorashooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this