Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ingiriiska oo war ka soo saartay dagaalka ka socda gudaha Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqa-sooranka dalka UK ayaa lagu sheegay in dowlada Britain ay ku baaqayso in la qaboojiyo xiisada iyo colaada ka aloosan Itoobiya .

Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska James Duddridge oo qaraalka soo saaray ayaa sheegay in UK ay si dhow ula shaqeyneyso hay’addaha sama-falka si gargaar loo gaarsiiyo dadka colaaddu samaysay

Xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab ayaa 10 bishaan taleefan Kula hadlay ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed isagoo xoojiyay muhiimada ay lee dahay in dadka rayidka ay helaan badbaado islamarkaana gargaarka uu gaaro.

Safiirka Britain ee Adis Ababa ayaa isna wada dadaal lagu muujinayo baahida loo qabo in colaada la joojiyo taana ay dhammaan dhinacyada qeyb ka noqdaan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ingiriiska oo war ka soo saartay dagaalka ka socda gudaha Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this