Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga Oo Booqasho Ku Yimid Muqdisho, Lana Kulmay Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli ayaa shalay booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho, isagoo la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta NISA ayaa waxay labada Taliye Sirdoon ka wada hadleen sare u qaadida iyo xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac, sida lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee NISA.

“Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida iyo xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac”ayaa lagu yidhi qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayay Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga Madaxtooyada Villa Somalia kula kulmeen Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wafti ka socda Sirdoonka Eritrea ay iyana ku sugan yihiin Muqdisho, inkastoo warkaas aanay Nabadsugida si rasmi ah u shaacin.

Tan iyo markii Fahad Yaasiin uu la wareegay xilka Hoggaanka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya waxaa isa soo tarayay Taliyaaasha Sirdoonada dalal ka tirsan Caalamka oo booqasho ku imaanayay Muqdisho, taasoo loo arkayay in Sirdoonka Soomaaliya uu tartiib soo celinayo xidhiidhka dibadda ee Sirdoonka Caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this