Sign in to follow this  
Deeq A.

Magcayada xubno Shabaab ah oo uu Mareykanka ku daray liiska argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay hoggaamiyaha ciidan xul ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii bishii Janaayo ka dhacay saldhig ku yaalla Kenya, oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay Macallin Ayman oo ah hoggaamiyaha ciidanka Jaysh Ayman, iyo sidoo kale Cabdullaahi Cusmaan Maxamed, oo maamula qeybta qaraxyada iyo warbaahinta, ay ku dartay liiska caalamiga ah ee argagixisada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in cutubka Jaysh Ayman ay fuliyeen weerarkii Janaayo ee ka dhacay xerada Camp Simba ee xeebta waqooyi ee Kenya, kaasi oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, laguna burburiyey diyaarad.

Sanaddii 2018, daraasad ay sameysya hay’adda Jamestown Foundation ayaa Jaysh Ayman ku qeexay dadaal ay Al-Shabaab gudaha Kenya uga sameyneysay ciidan si wanaagsan u tababaran, una qalabeysan oo Kenyan ah.

Xayiraaddan ayaa hakineysa dhammaan hantiada shaqsiyaadkan laga yaabo inay u taallo Mareykanka, waxayna dmabi ka dhigeysaa in lala macaamilo ama la caawiyo.

“Haddii ay hanti u taallo Mareykanka iyo haddii kaleba, cunaqabateenada waa ciqaab adag oo ku adkeyneysa shaqsiyaadka ama ururada lagu daray liiska inay lacago isaga gudbiyaan nidaamka maaliyadda ee caalamiga ah,” waxaa sidaas yiri Nathan Sales oo ah isu-duwaha ka hor-tagga argagixisanimada ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Sales waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka kale kala shaqeeneyso sidii Al-Shabaab loogu adeegsan lahaa dhammaan quwadaha iyo kheyraadka qaran.

The post Magcayada xubno Shabaab ah oo uu Mareykanka ku daray liiska argagixisada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this