Deeq A. Posted November 17, 2020 Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax ismiidaamin ah, oo Maanta ka dhacay maqaayad ku dhow dugsiga Booliiska Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Af-hayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aaden Cali, oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyay in shan ruux ay ku dhinteen Qaraxa oo ka dhacay maqaaxi dad shacab ah fariistaan oo ku dhow Akadeemiyada Gen Kaahiye ee degmada Xamar Jajab. Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay, in Qarax ay ku dhaawacmeen sideed ruux oo kale, islamarkaana uu socdo baaritaan ku saabsan xogta qofka is-qarxiyay. Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxas waxaana ay tilmaameen in ay la beegsadeen saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Muqdisho oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites