Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Kufsi Ka Geystay Dal Ku Yaalla Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sweden)-Axmed Maxamuud oo ah nin Soomaali ah deganaa muddo dheer dalka Sweden ayaa lagu xukumay 14 sanno oo xadhig ah, kadib markii uu fal kufsi u geystay Gabadh 9 jir ah.

Axmed ayaa Gabadha yar markii hore geeyey qeybta hoose ee Guriga uu deganaa, si uu ugu faraxumeeyo halkaas, isla markaana Gabadha qoorta ka saaray Middi uu watay, kadibna sidaas ugu geystay kufsiga.

Gabadha la dhibaateeyay ayaa waxaa la tilmaamay in markii hore ay taagneyd goob gaadiidka laga raaco, iyadoona xiligaas u socotay dugsi ay wax ka baraneysay, hayeeshee Axmed Maxamuud ayay oo isna joogay goobta ayey ka dalbatay inuu la raadiyo furo ka lumay, isagoo markii dambena watay.

Axmed ayaa falka kadib waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska Magaalada Norrköping ee dalka Sweden, waxaana la horgeeyay Maxkamad, si sharciga loo marsiiyo.

Axmed Maxamuud ayaa Maxkamadda horteeda ka diiday inuu falkaas gaystay, balse DNA laga qaaday ayaa lagu ogaaday inuu isagu kufsaday Gabadha yar, waxaana lagu xukumay 14 sanno oo xabsi.

Axmed Maxamuud oo ah nin Soomaali ah deganaa muddo dheer Dalka Sweden ayaa markiisii hore ku shaqeysan jiray xirfada turjumaanka, kadibna wuxuu ka shaqeynayay qaybta qaybta dhismaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this