Deeq A. Posted November 17, 2020 Waxaa dunida ku soo laba kacleeyay xanuunka COVID19, Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka uu dib ugu soo laaba kacleeyay cudurka, waxaa sare u kac ku yimid Number ka dadka laga helaayo xanuunka iyo sidoo kale warbixinnada ka imaanayo xarumaha Caafimaadka Guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ka helaynaa sare u kac ku yimid bukaanada la il daran calaamadaha xanuunka taas oo muujinayso . Wasaarada Caafimaadka waxay dib u howl galisay gudiyada iyo tiirarka la tacaalida iyo xakameynta Caabuqa COVID19, waxay sidoo kale wasaarada caafimaadka dib u qaabayn ku sameesay hanaanka gurmadka iyo la tacaalida COVID19. Waxaa si wanaagsan u shaqaynayaa xarunta wicitaanka dadwaynahay iyo Numberka Free ga a 449 oo ay dadwayanahay soo wici karaan xilli walba oo ay ka helayaan talo iyo ku xiriraan isbitaallada lagu dabiibayo COVID19. Wasaarada Caafimaadka waxay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sare u qaadida baarita , Xoojinta wacyigalinta iyo tayaynta tabinta Qataraha. Tirada guud xogta COVID-19 dalka, laga soo billaabo bisha March illaa November 2020 1 Tirada Guud ee labaaray Dalka 53,372 2 Tirada Guud laga helay dalka 4,382 3 Bogsashda guud ee dalka: 3,384 4 Dhimashada guud dadka u dhintay xanuunka 108 View the full article Share this post Link to post Share on other sites