Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho & Wararkii u dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino horudhac ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali oo ka warbixiyey qaraxan ayaa sheegay inuu si gaar ah uga dhacay maqaaxi ku taalla halkaasi

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Sadiiq ayaa sidoo kale intaasi ku daray in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo way wadaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii dambe ammaanka Muqdisho uu ahaa mid degan, islamarkaana ay howl-gallo ka wadeen ciidamada ammaanka Somalia.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this