Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhacay agagaarka maqaaxi ku taalla dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay soo gaartay waxyeelada.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net

The post War deg deg ah: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this