Sign in to follow this  
Deeq A.

Howl-gallo dad lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyey Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka ciidamada ammaanka ay howl-gallo ka sameeyeen magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii xalay Beledweyne lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii xaafada Buundweyn ee degmadaasi Kuukay Dheere.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in howl-galladooda ay ku soo qab-qabteen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilkaasi.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dib ka faah-faahin doonaan natiijada howl-galladaasi laga sameeyey Beledweyne.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaaladaasi oo ku taalla bartamaha dalka ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this