Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo nolosha ku qabtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ballaaran oo ciidamada Danab ay ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howl-galladaasi lagu bur-buriyey saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolladaasi.

Sidoo kale dowladda ayaa shaacisay inay nolosha ku qabatay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin: madaxa maaliyadda gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf  Cali, madaxa maktabka waxbarashada dumarka ee deegaanka Ceel cade oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Jilacow & madaxa Zakawaadka ee gobollada Shabeelooyinka Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay inay sii socon doonaan how-gallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this