Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Donald Trump oo qorsheynayey weeraro ka dhan ah dalka Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku fakaray in uu weeraro goobta ugu weyn ee nukliyeerka Iran isbuucii la soo dhaafay laakiin ugu dambeyntii wuxuu go’aansaday inuusan qaadin tallaabadan sidaasi waxa laga soo xigtay sarkaal Mareykan ah.

Trump ayaa dalbaday codsigaas intii lagu guda jiray kulan uu khamiistii la yeeshay kaaliyeyaashiisa ugu sareeyay Amniga qaranka, oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, ku simaha xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Christopher Miller, iyo General Mark Milley.

Sarkaalkan ayaa xaqiijiyay mar uu la hadlaatey Wargeyska The New York Times, in la-taliyayaashu ay ka dhaadhiciyeen Trump inuusan ku dhaqaaqin wareer lagu qaado Iiran.

Aqalka Cad ayaa diiday in uu ka bixiyo wax faalo ah Arintaan,Trump wuxuu waxuu qaatay afarti sano ee madaxweynenimadiisa inuu kujiro siyaasad gardarro ah oo ka dhan ah Iran, isaga oo ka baxay nukliyeerka Iran.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Donald Trump oo qorsheynayey weeraro ka dhan ah dalka Iiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this