Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Shil khasaare dhimasho gaystay oo ka dhacay Libaaxo

Recommended Posts

Deeq A.   
Marxuumka.jpg?resize=607%2C491&ssl=1Sawirka Marxuumka

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, shil gaari oo xalay ka dhacay Tuulada Libaaxo ee Gobolka Nugaal, oo qiyaastii 86 KM dhanka bari kaga beegan caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shilka ayaa dhashay, kadib markii ay isku dhaceen Laba gaari oo ka yimid dhinaca magaalada Boosaaso, kuwaas oo labaduba u socday dhinaca caasimadda Garoowe.

Mid kamid ah Labada gaari, oo ahaa nooca Xamuulka qaada, ayaa dusha ka maray gaariga kale, oo isna noociisa lagu sheegay Brobox, waxaana shilka ku dhintay dareewalkii Brobox-ta oo keliya.

Marxuumka shilkaas ku dhintay, waxa magaciisa lagu sheegay Jimcaale Daahir Cusmaan . Lama soo werin khasaare kale oo ka dhashay shilkaas, marka laga reebo burbur xooggan oo gaaray gaariga yar ee Brobox-ta.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Shil khasaare dhimasho gaystay oo ka dhacay Libaaxo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this