Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Rooble: “Cadaalad darro ayaa la tirsanayaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka, waxuuna mas’uuliyiintii uu ugu tegay u jeediyey dardaaran, isagoo sheegay in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto tayaynta hey’adaha Garsoorka.

Warbixinno la xiriira howllaha adeeg ee bulshada ay u hayaan ayuu Rooble ka dhageystay mas’uuliyiinta wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Rooble ayaa hadal uu ka jeediyey kulankaas waxa uu ku balan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan caddaaladeed oo hufan.

“Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, anigoo fahmi kara duruufaha adag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya musuq maasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si caddaalad ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qayb-galay dhageysiga Garmaqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, taas oo u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeed.

“Cadaalad darro ayaa la tirsanayaa, farbaa la inku soo fiiqayaa, dadbaa ka cabanaya in kiisaskooda aan la qabaneyn, haddi aysan xubnaha garsoorku ka helin dantooda, dadku waxay noo sheegeen inay dulmanyihiin, waan ka dhageysanay, waaxana ka dhageysan doonaa, halkaana waa u badnaa doonaa, hadaan waqti dheer heysto xafiis ayaan ka furan lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.

Waxaa xusid mudan in dad cadaalad ka waayey hey’adaha  garsoorka dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab u dacwoodaan, waxaana halkaas ka dhalata in xukunka ay Al-Shabaab ka soo saaraan dacwadaha qaar ay fulintiisu dhib kale keento.

Hoos ka Daawo Rooble

125933040_2850990338465415_4757224870534 maxkamada-sare-ee-dalka.jpg rooble-iyo-heyadaha-cadaalada.jpg rooble-iyo-heyadaha-cadaalada.jpg2_.jpg rooble.jpg shuute-iyo-liibaan-yarow.jpg-2.jpg

The post Daawo Rooble: "Cadaalad darro ayaa la tirsanayaa" first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this