Sign in to follow this  
Deeq A.

Tigreega Oo Imaaraadka Ku Eedeeyay Inuu Diyaarado Kaga Qayb-qaadanayo Duulaanka Lagu Qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadda Qoomiyadda Tigreega ee TPLF ee dalka Itoobiya ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ku eedaysay inay Dawladda Federaalka ee Itoobiya ku taageerayso dagaalka iyo duulaanka ay ku qaadday Gobolka Tigreega.

TPLF waxa kale oo ay xaqiijisay inay duqaysay Magaaladda Asmara ee caasimadda Eritrea Habeenkii Sabtida.

Afhayeen u hadlay TPLF oo Magaciisu yahay Getacho Rida, ayaa sheegay in Dawladda Imaaraadku ay Dawladda Abiy Axmed ka taageerayso dagaalka uu ku qaaday Gobolka Tigreega isla-markaana diyaarado ah nooca aan duuliyaha lahayn oo Imaaraadku leeyahay ka qayb-qaadanayaan dagaalka.

Afhayeenku wuxuu sheegay in diyaaraduhu ka soo kaceen saldhig Ciidan oo Imaaraadku ku leeyahay Casab oo Eritrea ah.

Getachew waxa kale oo uu xaqiijiyey in Ciidamadoodu beegsadeen oo ay Gantaalo ku tuureen Garoonka diyaaradaha ee Asmara, halkaasi oo uu sheegay inay tahay halka weerarka lagaga soo qaaday Gobolka Tigreega.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Gobolka Tigreega Dibrasion Gebramikail ayaa isaguna xaqiijiyey weerarka gantaallada ah ee ay ku qaadeen Caaaimadda Eritrea.

Wuxuu sheegay oo uu Eritrea ku eedeeyay inay Taangiyo iyo kumanaan Askari u soo dirtay Gobolka Tigreega, sidaa darteed ay Ciidammadiisu dagaal kaga jiraan furimo badan, sida ay Caawa baahiyey Telefiishanka Al-jazeera oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

“Dalkayagii ayaa na soo weerarray isagoo caawimo ka helaya dal shisheeye, kaasi oo ah Eritrea..” ayuu yidhi Hoggaamiyaha Gobolka Tigreega, Dibrasion Gebramikail.

Dawladda Imaaraadka Carabta oo Saldhig Ciidan ku leh Eritrea ayaa saaxiib la ah dalalka Geeska Afrika ee ay ka mid yihiin Eritrea, Itoobiya iyo Somaliland.

Imaaraadka ayaa Somaliland saaxiib la ah, waxaana shirkadda DP World oo Imaaraadka laga leeyayay ay Maalgelin ku samaysay Dekedda Berbera ee Somaliland.

Sidoo kale waxa Imaaraadku uu Maalgelin ku sameeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera ee Somaliland, kaasi oo markii hore la rumaysnaa in Imaaraadku uu ka dhigayo Garoon Ciidan, balse mar dambe ay Dawladda Somaliland sheegtay inuu noqon doono Madaar rayid ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this