Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari dil ka geystay degmada Beledxaawo oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku soo dhigay askari xalay gabar dhalinyaro aheyd dil ugu geystay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo howl-gal ka sameeyey gudaha magaaladaasi ay ugu dambeyn ku soo qbateen askariga oo baxsad ka ahaa cadaaladda.

Dilak ayaa yimid, kadib markii askariga iyo marxuumadda oo la sheegay inuu xiriir ama haasaawe ka dhexeeyey uu soo kala dhex-galay muran is-afgaar ah oo sababay in askariga uu carooday, kadibna uu rasaas ku furo gabadha oo isla goobta ku geeriyootay.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in maxkamad loo soo taagi doono eedeysanaha, iyaga oo sidoo kale u mahad-celiyey dadka shacab ah ee la shaqeeyey ciidamada ammaanka.

Beledxaawo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal ay askarta u geystaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this