Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: BF oo meel-mariyey Golaha Adeegga Garsoorka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad kulankiisa 6-aad ayaa ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu goluhu ka hor Akhriyay warbixinta xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo magacyadda xubnaha Golaha.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay warbixinta uu Wasiirka ka hor jeediyay Golaha iyo shaqada u taala.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod u qaaday xubnaha Golaha Adeegga Gorsoorka ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ahaa kooramka kulanka golaha ku furmay, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intuba.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Golaha hor geeyay warbixinta xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka  Musuq maasuqa iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka u leeyihiin.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay xubnaha guddigan.

Wasiirka Cadaaladda ayaa ka jawaabay su’aal ay Xildhibaannada qaarkood weydiiyeen oo aheyd xubin guddiga ka maqan iyo sidoo kale sababta Taariikh nololeedka xubnaha guddiga loogu qoray luuqadda Ingiriiska oo luuqada Hooyo ee Soomaaliga loogu qori waayay.

Intaasi ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka oo xubnahan cod u qaaday ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145-xildhibaan diidis iyo aamusid midna ma jirin sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay Ansixinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka  Musuq maasuqa.

Maadaamaa dooda Xildhibaannada Golaha badankeed ay ku saleysaneyd Miisaaniyadda ay ku shaqeyn doonaan guddiyadan ayaa Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray waxa uu  sheegay in Wasaaradda Cadaaladda looga baahanyahay in miisaaniyadda Guddiyadan ay kala hadasho Hay’adaha ay khuseyso ka hor inta aan miisaaniyadda Golaha la hor keenin dhamaadka sanadkan.

125388016_974821569673574_37048198492818 125392374_974821833006881_81631488649464 125761882_974821116340286_58913830276573 125768268_974916006330797_79943737749023 125768939_974821636340234_26436756633245 125769632_974821356340262_14442067866118 125781825_974821333006931_34580273361866 125801976_974821206340277_48511784845506 125802872_974821733006891_60657721512243 125845692_974821513006913_17011163915344 125864995_974820969673634_82684157175262 125899732_974821203006944_26381957439045

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this