Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidanka DF Somalia oo dilay gabar uu kala dhexeeyey xiriir JACEYL

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu gabar ka mid aheyd dadka deegaanka ku dilay gudaha degmada Beledxaawo oo ka tirsan gobolkaasi.

Allaha u naxariistee gabadha la dilay ayaa lagu soo warramayaa in xiriir ama haasaawe uu kala dhexeeyey askariga oo markii dambe goobta isaga baxsaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in marxuumadda iyo askariga dilka u geystay uu soo kala dhex-galay muran is-afgaar ah oo sababay in askariga uu carooday, kadibna uu rasaas ku furo gabadha oo isla goobta ku geeriyootay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo haatan baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Dhacdadan ayaa waxaa saaka si aad u hadal haya dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Beledxaawo, iyada oo ku noqotay mid la yaab leh oo argagax ku reebtay.

Si kastaba ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana marar badan la soo wariyey dilal noocaan oo kale ah oo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka.

The post Askari ka tirsan ciidanka DF Somalia oo dilay gabar uu kala dhexeeyey xiriir JACEYL first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this