Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya ansixinta xubnaha Guddiga adeega Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  oo isniin ah waxa ay kulan ku yeelan doonaan xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Golaha ayaa waxaa ay doodi doonaan ajandayaaasha kala ah.U codeynta xubnaha guddiga adeega garsoorka iyo sidoo kale ucodeynta xubnaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Ajandaha kale ayaa ah akhrinta sedexaad ee hindise sharciyeedka notaayooyinka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan golaha Barlamaanka kula dar daarmay in xoogga la saaro dar dargalinta howlaha u harsan.

PUNTLAND POST

The post Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya ansixinta xubnaha Guddiga adeega Garsoorka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this