Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada Jubbaland oo howl-gallo ka sameeyey Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland  ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada Booliiska Jubbaland ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in ujeedka howl-galladan uu ahaa kuwa lagu xaqiijinay amniga guud ee magaallo xeebeedka Kismaayo.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in howl-galladaas lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood mar dambe la siiyey.

Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

2-10 3-6 1-18

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this