Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay inay howl-gal ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyey gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa saraakiil ka tirsan ciidamada Danab ay sheegeen in lagu dilay Shiikh Maxamed Suleymaan (Gacmey) iyo xubno la socday.

Gacmey ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta Maktabka dacwada Shabeelaha Dhexe, iyada oo lagu khaarijiyey deegaanka Gamboole ee gobolkaasi

“Ciidanka kumaandooska ayaa dilay Sarkaakiil Al-shabaab u qaabilsanaa qeybta Maktabka dacwada Shabeellaha Dhexe kaasi oo ay magacaabiisa ku sheegeen Shiikh Maxamed Suleeymaan (Gacmeey iyo xubno la socday”ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidanka oo la hadlay warbaahinta dowladda.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this