Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo hub ka dhigis lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan labo boqol oo askari oo ka soo jeeda gobolka Tigreega, kana mid ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hubka laga dhigay, waxaana sababaha lala xiriiriyey dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xusay in laga baqay in ragga hubka laga dhigay ay dhibaato u geystaan ciidamada kale ee la socda.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhowaad labo todobaad ka hor weerar xoogan ku qaaday ururka TPLF ee ay leeyihiin dadka Tigreeda ee wadanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay qorshe ay dooneysay in ay kaga go’do Itoobiya inteeda kale, iyadoo boqolaal kun oo qaxooti Tigree ah ay gaareen wadanka Suudaan.

Itoobiya ayaa waxaa horay ay Soomaaliya ugu saartay qaar ka mid ah ciidamadeeda, si ay qayb ugu noqdaan dagaalka ka socda gobolka Tigreega ee waqooyiga wadankaasi.

Beesha caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalka ka qarxay dalkaasi oo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho qaar ka mid ah wadamada Geeska Afrika

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this