Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaan ku yaalla Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayao gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay deegaanka Ceel-Dheere oo hoos yimaada magaaladaasi.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidanka huwanta.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ka socday dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo u dhexeeya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this