Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Warsheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo, Xawaalo Odayaal oo 25 KM waqooyi ka xiga degmadaasi.

Labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay ayaa muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan labo qof, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Sh/Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this