Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay in ay kala jareen Guriceel iyo Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay xalay la wareegeen degaanka lagu magacaabo Ceeldheer oo kaabiga ku haya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Al-shabaab waxay sheegtay in ay dagaallamayaashoodu si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Ceeldheer oo ku dhow degmada Dhuusamareeb islamarkaana ku yaalla laamiga isku xira Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxay tilmaameen in Ciidan ka tirsan Galmudug oo halkaas ku sugnaa isaga baxeen degaanka ka hor inta aysan Al-shabaab qabsan marinkaas isku xira magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab sidoo kale ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay warkaas.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay in ay kala jareen Guriceel iyo Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this