Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Qarax Miino Oo Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Togdheer

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ibraahim Sii-arag oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 14/11/2020, Degmada Balli-dhiig ee Gobolka Togdheer, oo ay miino kula kacday gaadhi bas ah oo uu saarnaa isaga iyo Ardayda Dugsiga Ina Sanweyne.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa ardaydii ku dhaawacan tahay qaraxaa miinada inuu caafimaad taama siiyo kana boogo dhayo dhibtaas soo gaadhay.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this