Sign in to follow this  
Deeq A.

Gantaallo Xalay Lagu Weeraray Caasimadda Eritrea Ee Asmara

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Asmara)-Gantaalo ayaa xalay fiidkii lagu weeraray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, saacado kaddib markii TPLF ku hanjabtay inay weerareyso Eritrea.

Qaraxyo waa weyn ayaa laga maqlay xalay fiidkii magaalada Asmara, iyadoo dad badan guryahooda ka carareen, qaar ka mid ah warbaahinta Gobolka iyo baraha Twitter-ka ayaa sheegaya in duqeyn laga maqlay magaalada Asmara.

Maamulka Tigreega ayaa hore ugu eedeeyay Eritrea inay dagaalka qeyb ka tahay, oo ay caawineyso Ciidammada Abiy Ahmed ee duullaanka ku soo qaaday Gobolka Tigreega.

Wararka ayaa sheegaya in illaa saddex gantaalo ay ku dhaceen Wasaaradda Warfaafinta iyo garoonka diyaaradaha Asmara, sida ay ku soo warramayaan dadka reer Eritrea.

Hase ahaatee Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Eritrea ayaa xaqiijiyay gantaalada, balse waxay sheegeen in gantaalada ku soo dhaceen deegaanada miyiga ah, oo aan wax gantaalo ku soo dhicin Asmara.

Arrintan ayaa mar kale walaac ku sii abuureysa xaalada gobolka oo u muuqda mid ku fidaya dagaal sokeeye.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this