Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey in howl-gal lagu dilay ku-xigeenkii Al-qaacida+Dalka lagu dilay & Sida loo dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

abu.jpg

Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka waxaa howlgal qorsheysa oo ay fuliyeen sirdoonka Israel lagu dilay ku-xigeenkii ururka al-Qacida Abu Muhammad al-Masri kaas oo ku eedeysnaa weeraro badan oo lala beegsaday safaarado Mareykanku leeyahay oo ka dhacay Afrika, gaar ahaan Kenya iyo Tanzania.

Ninkan ayaa lagu dilay 7-dii bisha Agosto ee sannadkan caasimadda dalkaasi Iran ee Tehran kadib markii ay weerareen isaga oo wadada socda labo nin oo bastoolado ku hubeysan, sida ay qortay jariiradda New Yorl times.

al-Masi ayaa liiska FBI-da ku jiray muddo 22 sano ah, waxaana dilkiisu ahaa dalab uu Mareykanku u gudbistay Israel.

Hoggaamiyaha al-Qacida Ayman al-Zawahri ayaa la sheegay in uu u ahaa ku-xigeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this