Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha shacabka oo meel-mariyey sharci muhiim ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Akhrinta Seddaxaad ee Hindise Sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed ayuu ahaa Ajendaha kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee maanta oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo xubin ka ah guddiga Beeraha, Waraabka, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Golaha Shacabka uu Goluhu u faah faahiyay Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay iyo meelaha siiqo ahaan loo saxay ee Hindise sharciyeedkan.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa aad ugu kala aragti duwanaa Qodobada qaar ee Hindise sharciyeedkan, waxaana qodobada aadka looga dooday ka mid ah dhismaha Hay’adda Adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed iyo sidoo kale doorka Wasaaradda ee Hay’addan.

Dood dheer kaddib Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod geliyay Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 139-Xildhibaan, saddax Xildhibaan ayaa diiday halka hal Xildhibaan uu ka aamusay,sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay.

Xildhibaan  Aadan Ibraahim Dhaayow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Beeraha,Waraabka, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Golaha Shacabka iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa Xildhibaannada Golaha uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedkan.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay xubnaha Adeegga Garsoorka, Xubnaha Guddiga la Dagaallanka Musuq Maasuqa, Hindise Sharciyeedka Booliiska Federaalka, Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hay’adda Dhiiragelinta Maalgashiga Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka ilaalinta Xuquuqda Maalgashiga iyo Maalgashadaha iyo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hay’addaha aan dowliga aheyn.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

3-14-1024x683.jpg 4-9-1024x683.jpg 5-9-1024x683.jpg 6-9-1024x683.jpg 7-8-1024x683.jpg 8-9-1024x683.jpg 9-8-1024x683.jpg 10-7-1024x683.jpg 11-5-1024x683.jpg 12-6-1024x683.jpg 13-5-1024x683.jpg 14-5-1024x683.jpg 15-5-1024x683.jpg 16-5-1024x683.jpg cawad-1024x683.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this