Deeq A. Posted November 14, 2020 Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada Gonder ee aan ka fogeyn xalay gantaallo lagu weeraray. Xafiiska ka warbixiya xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Tigraay oo hoos taga xafiiska ra’isal wasaaraha wuxuu sheegay gantaalladu iney waxyeello aan badneyn u geysteen gegida diyaaradaha ee ku yaalla labadaasi magaalo. Weriyaha BBC-da halkaasi uga soo warrama wuxuu sheegay in gantaallada ay cabsi iyo argagax ku abuurtay shacabka magaalooyinkaasi ku nool. Gantaallada ayaa xalay saacaddu markay ahayd 11-ka fiidnimo lagu gaaray magaalooyinkasi. Xafiiska isgaarsiinta dowladda ee degaankaasina wuxuu sheegay iney qaraxyo ka dhaceen meela ka mid ah magaalooyinkaasi. Wariyaha BBC halkaasi uga soo warrama ayaa sheegay in qaraxa kaddib ay rasaas xooggan socotay muddo 20 daqiiqo ah, wallow aan la sheegin cidda rasaastaasi isdhaafsanysay. Markii qaraxa laga maqlay magaalooyinkaasina waxaa la jaray Korontada inkasta oo ay marki dambe u soo laabatay. Wararku waxay intaa ku darayaan in magaalada Baxir-daar ay saaka caadigeeda ku soo laabatay. Maamulka deegaanka amxaaraduna wuxuu sheegay iney wadaan baaritaan ku qotoma in weerarka gantaallada ee labadaasi magaalo lagu soo qaaday uu xiriir la leeyahay deegaanka Tigraay iyo inkale. Iyada oo baaritaanka dhacdooyinkaasi loo saaray guddi xaqiiqa raadin ah ayaa waxaa la shaacin doonaa wixii ka so baxa baaritaankaasi. Ku dhawaad laba toddobaad deegaannada ku teedsan xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tigraay waxaa ka socda dagaal xooggan oo qayb ka aha dagaalka ay dowadda dhexe ku qaadday deegaanka Tigraay kaddib marki ay dowladda Itoobiya ciidamo daacad ah u ah TPLF ay ku eedeysay iney weerareen ciidamada federaalka ee qaybta waqooyi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites